Xildhibaan Yasin Jaamac Taakilo oo katirsan Baarlamaanka Puntland:
“Waxaan xalay kulan la qaadanay Madaxweune Hore, senator Abdirahman Sh.Mohamed Faroole anagoo ah inta badan xubnahah Golaha Wakiilada puntland ku matalay G.Nugaal waxaan uga warbixinay xaalaadda Guud ee Puntland, caqabadaha ay wajahayso, iyo xalka suurtagalka ah ee loo baahan yahay in lagu wajaho duruufaha Jira.
Waxaa ka mid ah ahaa aragiyihii aan la wadaagnay Madaxweynaha muhiimadda ay leedahay inuu hormuud ka noqdo in dhammaan haldoorkii puntland talada lagu celiyo, la isu raadiyo la isagana yimaado si qayb looga noqdo xalka Isla markaana siyaasiyiinta, dhaqanka, culimada, aqoon yananka, dhalinyarada, Haweenka ,qurbajoogta qolo kastaa ay kaalinteeda qaadato si loo helo puntland mustaqbalkeeda la qiyaasi karo, dhaxalkeedana la ilaalin karo, sharciyadduna shaqeyso.
Dhanka kale Madaxweyne Abdirahman Sh.Mohamed Mohamud Faroole ayaa Nala wadaagay xog iyo talooyin waayeel oo qayb ka noqon kara xalka caqabadaha taagan isagga oo aad xoogga u saaray dhanka sharciyadda iyo dastuurka.
Ugu dambeyntii Waxan uga mahad celinayaa waqtiga iyo talada waayeel ee madaxweyne Hore senator Faroole uu Nala wadaagay ayuu yiri Xildhibaanka”.
Xigasho:
Milgo Media