Afar sano oo ay xilka hayeen, shacabka intooda badan kama aysan fileyn adeegyo waaweyn, mana jirin cadaadis xooggan oo looga dalbanayay waxbarasho, caafimaad ama adeegyo kale oo bulsho. Fursadda ugu weyn ee ay haysteen waxay ahayd inay dhammeystiraan dastuurka, dhisaan hay’adaha dowliga ah, xoojiyaan dowladnimada, kana shaqeeyaan xasillooni siyaasadeed oo waarta.
Nasiib darro, muddadii afarta sano ahayd arrimahaas horumar muuqda lagama gaarin, halka xilligii doorashadana lagu soo gabagabeeyay xiisado iyo rabshado siyaasadeed. Haddaba marka la yiraahdo “wax badan ayaa la qabtay”, waxaa habboon in la isweydiiyo: maxay yihiin waxyaabahaas waaweyn ee raadkoodu muuqdo, gaar ahaan dhinacyada dastuurka, hay’ad-dhiska iyo xasilloonida siyaasadeed?
Dan-qaran iyo 4 sano adeeg shacab oo la mahdiyey.