Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, hufnaanta canshuuraha, natiijooyinka laga gaaray mashruuca biyo-gelinta magaalada Kismaayo, ka faa’iidaysiga tamarta qoraxda iyo Xaalada guud ee Siyaasada Dalka.
Ugu horreyn, Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan xaaladda amniga, iyadoo la xusay dadaallada lagu xoojinayo howlgalada ay wadaan Ciidamada Jubaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah laga gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa ka warbixisay dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamka canshuuraha si loo mideeyo habraacyada loona kordhiyo hufnaanta shaqada.
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa Golaha uga warbixisay horumarka mashruuca biyo-gelinta Kismaayo iyo mashruuca tamarta qoraxda, kuwaas oo si habsami leh u socda.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa ka warbixisay xaaladda adeegyada caafimaadka, natiijooyinka shirkii maalgashiga caafimaadka Jubaland, iyo hirgelinta nidaamka lacag-celinta ee isbitaallada Jubaland.
Ugu danbayntii Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha, roobabkii dhawaan da’ay, iyo diyaar-garowga xaaladaha degdegga ah.
DHAMMAAAD