𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa si rasmi ah uga qayb galay Daah-furka Madashii ugu horraysay ee Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil, taasi oo lagu qabtay magaalada Tel Aviv ee dalka Israel. Madashan oo ay wadajir u soo qaban-qaabiyeen Machadka wax Dhoofinta (Institute of Export) iyo Waaxda Dhaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa waxa ay kulmisay oo isugu yimid in ka badan laba boqol oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ganacsiga, maalgashadayaasha iyo wakiillada shirkadaha waaweyn ee dalka Israa’iil.
Ujeeddada loo agaasimay Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil (Somaliland-Israel Business Forum) ayaa ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee labada dhinac, iyada oo diiradda la saarayo ballaadhinta fursadaha ganacsi, maalgashiga tooska ah, iyo iskaashi dhab ah dhinacyo badan leh oo dhex mara labada dal iyo shacab.
Sida oo kale, waxa si qoto dheer looga hadlay sidii loo fududeyn lahaa isu-socodka ganacsiga iyo abuurista jawi dhiirrigelinaya maalgashiga labada dal.
Intii uu kulanka Madashu socday, waxaa la isku waydaarsaday fikrado la xidhiidha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, biyaha, beeraha, caafimaadka, isgaadhsiinta iyo adeegyada casriga ah, kuwaas oo dhammaantood loo arko tiirarka ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.
Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo xoojiyey muhiimadda ay leedahay gudbinta aqoonta iyo tiknoolajiyadda casriga ah (technology transfer), taas oo la filayo in ay door weyn ka qaadato tayeynta adeegyada iyo kobcinta xirfadaha shaqo ee dalka.
Madaxweynuhu waxa uu madasha ka jeediyey khudbad qiimo badan oo ku xaqiijiyey in ganacsatada, maalgashadayaasha iyo halbuurayaasha reer Israa’iil aanu keliya albaabada ganacsi ee Somaliland aanay u furnayne, balse qalbiyada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland ay u furan yihiin.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xaqiijiyey in Somaliland ay diyaar u tahay soo dhaweynta ganacsatada iyo maalgashiga Israa’iil, isla markaana ay tahay dal leh fursado istaraatiiji ah oo ku yaalla marin muhiim ah oo ganacsiga caalamka ah, taas oo ka dhigaysa goob soo jiidasho u leh maalgashadayaasha.
Ugu dambayn, madashani waxa ay astaan u tahay xoojinta xidhiidhka dhaqaale ee Somaliland iyo Israa’iil, iyo in si dhab ah loo xaqiijiyo iskaashi dhaqaale oo wax-ku-ool ah, kaas oo horseedi kara horumar nacfi leh iyo is-faham qoto dheer oo labada dhinac ah.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝