Laascaanood: Shir Nabadeed oo u Furmay Beelaha Ardaayada Fiqishinni iyo Jamaac Siyaad
==================
Magaalada Laascaanood ayaa maanta ka bilowday shir nabadeed u dhexeeya laba beelood oo reer Waqooyi Bari ah , kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro shaqaaqadii dhowaan ka dhacday deegaanka Madax-lagu-xoor.
Gogoshan nabadeed ayaa waxaa hormuud u ah, guddi ka kooban 25 xubnood oo isugu jira cuqaal, nabaddoonno, culimo, ganacsato iyo guurti ka kala yimid Buuhoodle iyo Laascaanoood , kuwaas oo u istaagay dhexdhexaadinta iyo dib u heshiisiinta labada dhinac ,Waxaana ku weheliya qaar ka mid ah Isimada dhaqanka.
Guddigan ayaa sheegay in gogosha nabaddu taallo magaalada Laascaanood, isla markaana lagu wado in maalmo kooban gudahood lagu dhammeeyo hawsha nabadaynta laguna gaadho heshiis buuxa oo soo afjara khilaafka jira.