Dhabtu waa dhammaadka dhalanteedka!
Qof walba oo is waala ugu dambeyn waxa uu wajahaa xaqiiqada. Haddaba, waxa jira shuruuc u taalla dowladaha guud ahaan, gaar ahaan dowladda Soomaaliya, shuruucdaas oo ah: In shan boqol oo mitir (500-MT) wixii xeebta ka horreeya ay dowladdu leedahay, sidaa darteed, sharcigaas marka ay dowladdu adeegsaneyso, ILITE HOTEEL wuxuu ku yaallaa dhul-dowladeed. Goortii ay doonto ayeyna dumin kartaa, qaadan kartaa ama ay cid kale ku wareejin kartaa sabab la'aan!.
Dowladda waxaa xaq loogu leeyahay: "In ay bixiyo qarashkii lagu dhisay ama lagu maalgeliyay, ka dibna waa in ay sidii ay doonto ka yeesho oo ama ay wasaarad dowladda ka mid ah ku wareejiso ama hey'ad kale ciddii ay u garato. Ha illoobin in ILITE HOTEEL uu heysto sharciyad, welibana aan filayo inuu heysto 100-sano oo oggolaansho-dowladeed ah, balse, dowladdu goortii ay doonto ayey sharcigaas burrin kartaa ama ay ka noqon kartaa, maadaama ay hore u oggolaatay heshiiskaas".
Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu tartiibkiisa koobkiisa qaraha ah 4-doollar isaga iibsado ayaa u dhaantay, halkii uu la dagaallami lahaa dowladdii u oggolaatay inuu heerkaas gaaro, dhabtu marka ay timaadose waxaa meesha ka baxa dhalanteedka, waana midda ku dhacday ina adeerkeey, C/llaahi Maxamed Nuur.
ILITE HOTEEL waa hanti-dowladeed, in dowladdu dib u qaadatana waa sida ay u badan tahay!. JOOGSO!.