BREAKING 🚨:
President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro) has met with the heads of Israel’s largest companies, international investors, and leading business organizations in Tel Aviv, pitching the Republic of Somaliland as one of the region’s most promising investment destinations.
The Somaliland delegation showcased opportunities across livestock, agriculture, fisheries, mining, energy, oil, the blue economy, and critical infrastructure, while emphasizing Somaliland’s security, stability, strategic location, and investor-friendly policies.
President Irro urged Israeli businesses to seize the opportunities Somaliland offers, reaffirming the Republic of Somaliland’s commitment to partnerships built on trust, shared interests, and mutual prosperity.
This marks another major step in deepening economic and investment ties between the Republic of Somaliland and Israel.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa xalay kulan casho iyo is-barasho ah la yeeshay Madaxda Shirkadaha ugu waaweyn dalka Israa’iil, Maal-gashadayaal Caalami ah iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada Ganacsiga ee dalka Israa’iil.
Madaxweynaha iyo xubno ka mid ah weftigiisa ayaa si mug leh uga war bixiyey fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan xagga Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Macdanta, Tamarta, Shidaalka, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si gaar ah u iftiimiyey amniga iyo xasilloonida ka jirta Somaliland iyo goobta istiraatijiga ah ee ay ku taallo, khayraadka dabiiciga ee ku duugan iyo siyaasadaha iyo xeerarka dhiirrigelinaya maal-gashiga shisheeye.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, ganacsi iyo maalgashi ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israa’iil, iyada oo la abuurayo xidhiidh iyo fursado wax-ku-ool ah oo labada dhinacba faa'iido u leh.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ganacsatada iyo maal-gashadayaasha dalka Israa’iil ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ballaadhan ee ka jira Somaliland, isaga oo xaqiijiyey in Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dano-wadaag iyo hiigsiga horumar wadajir ah.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝