Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan maanta booqasho ku tago
@SIMADUniversity University , halkaas oo aan ardayda iyo bahda jaamacadda uga jeediyay mowduuc muhiim ah oo ku saabsan “Furitaanka Awoodda Ganacsi ee Soomaaliya.”
Munaasabaddan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen SIMAD University iyo
@SIMADiLab ayaa diiradda lagu saaray fursadaha ganacsi ee dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta maalgashiga, iyo doorka ay dekeduhu ku leeyihiin dardargelinta koboca dhaqaale ee Soomaaliya.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Abdikarim Mohaidin Ahmed , hormuudka Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Kulliyadda Culuumta Maamulka sida diirran ee ay ii soo dhaweeyeen iyo fursadda ay ii siiyeen inaan aqoon iyo waayo aragnimo la wadaago jiilka mustaqbalka hoggaamin doona horumarka dalka.