The discussion of Somalia's sub-national political landscape is quite ironic. It is said there will be an "election", yet the president has given the seats to certain candidates in the upcoming "dispensation." This is a contradiction in terms. This implies that the seats in South-West, Galmudug, and Hirshabelle are effectively owned by President
@HassanSMohamud, who can easily hand them over to friends.
Subsequently, the president's party and the Election Commission will orchestrate a theatrical performance around his decision, finishing it off with a lineup, cameras, and computers. This is a joke. Why not simply make direct appointments?
The whole exercise reveals that the government's electoral and party systems are not suitable for the Somali context.
Soomaali
Beryahaan warka beledka yaal wuxuu u badan yahay doodaha la xiriira sida loo abbaarayo maamul-goboleedyada muddo-dhaafka ah. Waxaad maqlaysaa “Madaxweynuhu wuxuu kuraasta maamul-goboleedyada siiyey musharraxiin saaxiibadiis ah” Haddana, waxaa hadalka ku jira ‘ereyga doorashada.” Macnuhu waa in kuraasta maamul-goboleedyada uu Xassan Sheekh leeyahay oo uu qofkuu doono siin karo. Yaab!
Marka uu madaxweynuhu bixiyo kuraasta ayaa xisbiga iyo guddiyadu billaabayaan jilitaanka riwaayad lagu xalaalaynayo go’aanka – dad la safayo iyo kaamerooyin iyo computer-kii tiradu ku jirtay. Haddiiba ay sidaas tahay oo kuraasta uu madaxweynuhu leeyahay maxaa dadka loo wareerinayaa? Muu magacaabo dhammaantood?
Waxa kaliya oo ka soo baxay isku-dayga dowladda waa in nidaamyada doorashooyinka iyo kan xisbiyada ee ay wataan, aysan ahayn kuwii ku habboonaa Soomaalida.